Madaxweynaha dalka oo cambaareeyay afgembigii Mali

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku biiray hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika ee cambaareeyay tallaabadii hoggaanka wadanka Mali looga tuuray madaxweynihii dalkaas Ibrahim Boubacar Keita.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in la doonayo inuu jiro dulqaad dhanka maamulka ah.
Waxaa uu madaxweynaha dalka ku taliyay in la dardargeliyo sidii loo heli lahaa heshiis nabadeed oo dimuqraadiyad ku saleysan.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale xusay in qaaradda Afrika laga doonayo inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay wadamada kale ee caalamka si daawo loogu helo cudurka Covid19.
Waxaa uu danjirayaasha gaarka ah ee beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada caafimaad iyo dhaqaale ee ay u muujiyeen qaaradda.
Madaxda Afrika oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ahna guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan militariga Mali ay u siidaayaan Keïta iyo xubnaha sar sare ee maamulkiisa oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Boubou Cissé.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here