Madaxweynaha dalka oo daahfuray amaah lagu caawinayo ganacsiyada yaryar

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaaladatani Nairobi ku daahfuray barnaamij ay iska kaashanayaan ilaa 6 bangi oo ku yaalla wadanka.
Qorshahan ayaa loogu talagalay in dadka haysta ganacsiyada yaryar la siiyo lacago amaah ah oo ay kobac dhaqaale ku sameyn karaan.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhaqaalaha dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay wax soo saarka ganacsi.
Waxaa uu shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ugu baaqay inay garab qabtaan dhalinyarada doonaya inay sameystaan ganacsi iyaga u gaar ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inaan la kala maarmin sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la fududeeyo sido kalena gacan laga gaysto kobaca ganacsiyada yaryar ee loo yaqaano SMEs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here