Madaxweynaha dalka oo deegaanada ku ammaanay natiijada KCSE

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ammaan u jeediyay maamulayaasha dugsiyada ku yaallo deegaan baarlamaneedyada wadanka oo uu sheegay in sannadkan natiijo wanaagsan ay ka soo hooyeen imtixaanka KCSE-da.
Mr. Kenyatta ayaa guushan u aaneeyay maalgelin ballaaran oo dowladda ay ku sameysay arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto in dhammaan ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.
Hoggaamiyaha dalka ayaa boogaadiyay macallimiinta wadanka si gaar ah kuwa ka howlgalo dugsiyada heerka deegaanada.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayo sidii dhammaan ardayda dalka ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh iyadoo aan la eegeyn halka uu canuggaasi dhalasho ahaan ka soo jeedo ama ku wax bartay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arday afar sano ka hor imtixaanka fasalka sideedaad ee KCPE-da ka helay buundooyin ka hooseeya 200 ay shalay heleen natiijo wanaagsan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in tani ay muujinayso in hadii canugga uu taageero helo oo la dhiiri geliyo sido kalena la wanaajiyo kaabayaasha tacliinta uu guulaysan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here