Madaxweynaha dalka oo dib u furay garoonka ciyaaraha ee Nyayo

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay garoonka ciyaaraha ee qaranka dalka Nyayo Stadium.
Garoonkan ciyaaraha loogu talagalay ayaa dib u habeyn lagu sameeyay ka dib markii marxaldo kala duwan uu soo maray tan iyo sannadkii 2017-kii.
Dib u habeynta garoonkan ayaa ku soo aadey xili ay wasiirka wasaaradda ciyaaraha loo dhiiba Amina Mohamed.
Garoonka qaranka Nyayo ayaa hadda ku soo baxay garoon muuqaal ahaantiis ay aad u qurux badan tahay.
Waxaa loogu talagaly garoonkaas in lagu qabto tartan walba oo ay ka kooban tahay ciyaaraha.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in tani ay tahay hormar wanaagsan oo dhan ciyaaraha ah uu dalka ka gaarayo.
Waxaa uuna sheegay Mr kenyaatta in cayaaraha ay ka mid yihiin nolosha bulshada.
3 bisha October ayaa lagu wadaa in madaxweyne Uhuru uu goobjoog ka noqdo tartan orod ah oo lagu qaban doona garoonka Nyayo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here