Madaxweynaha dalka oo digniin adag u diray shirkadaha khamaarka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa digniin adag u diray shirkadaha ku howlan ka ganacsiga khamaarka ama baqti nasiibka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in maamulka uu hoggaamiyo ee Jubilee uunan marnaba dib uga laaban doonin isbedellada lagu sameynayo waaxdan.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo shirkad kasta oo ka ganacsatada khamaarka haddii aynan bixin canshuurta laga doonayo.
Sido kale hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inuunan meesha ka saari doonin go’aankii dowladdu ay ku xirtay nambarada lacagaha loogu diro 27 shirkadood ilaa inta laga cusbooneysiinayo leesimada ay ku shaqeyaan.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda dhexe ay soo saartay amar ah in shirkadaha khamaarka ay dhammaantood mar kale codsadaan in la siiyo leesimo hor leh oo ay uga ganacsan karaan gudaha dalka.
Madaxcweynaha ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga.
Warbixinada dowladda ayaa muujinaya in shanti sano ee ugu dambeysay dhaqaalaha soo galay shirkadaha khamaarka uu gaaray ugu yaraan 200 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here