Madaxweynaha dalka oo gabdhaha ugu baaqay inay waxbarashada ku dadalaan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo socdaal ku tagay koonfurta gobolka xeebta ayaa gabdhaha Kenyaanka ah ku booriyay inay xoogga saaraan sidii ay horumar uga gaari lahayeen tacliinta.
Waxaa uu ku dhiirigeliyay inay lahadaan hami ah in taariikhda dalka la gaari doono mar ay haweeney noqoto madaxweyne.
Mr. Kenyatta ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ismaamulka Kwale gaar ahaan deegaanka Kinango kaga qeyb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay xoghayaha wasaaradda jinsiyadda Safina Kwekwe.
Waxaa uu sido kale ballanqaaday inuu hal milyan oo shilin shakhsi ahaan ugu deeqayo dugsiga hoose dhexe ee Mwangoni ee deegaankaasi halka 10 milyan oo dheeraad ah uu bixinayo sanduuqa dowladda ee qaabilsan horumarinta kaabayaasha waxbarasho.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka Jeneraal Samson Mwathethe ayaa indhaindheeyay mashruuc dhanka kallumeysiga ah iyo kuwo kale oo la xariira waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here