Madaxweynaha dalka oo galabta la hadli doono Kenyaanka

Waxaa la filayaa in madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu galinka dambe ee maanta uu khudbad qaran jeediyo si uu dib u eegis ugu sameeyo xayiraadaha iyo bandowga habeenkii dalka ka jiro.
27-kii bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii uu dalka galay xaalad bandow ah si looga hortago faafidda cudur sidaha CoronaVirus.
Kenyaanka ayaa maanta si weyn u hadal haya go’aanka laga filan karo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay hoos u dhac laga dareemayay tirada maalinlaha ee xaaladaha caabuqa corona oo hadda guud ahaan ah 32,803
Waxaa ay Kenyaanka ay ku rajo weyn yihiin in madaxweynaha uu xayiraadda oo idil qaadi doonno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here