Madaxweynaha dalka oo hambalyo u diray muslimiinta

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa muslimiinta u diray hambalyo ku aaddan munsaabadda ciidda ee maanta loo dabaal degaya.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twittarka madaxtooyada dalka ee State House ayaa bulshada loogu baaqay in iyagoo dabaal degaya haddana aynan fududeysan halista cudurka COVID19.
Dhanka kale maanta ayaa ah maalin fasax oo laga nasanaya shaqooyinka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa 29-kii bishan si rasmi ah u shaacisay in 31-da July ay tahay fasax guud si muslimiinta wadanka ku nool ay fursad ugu helaan inay u dabaal degaan ciidul adxaa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa inay Jimcada fasax tahay ku soo daabacay wargayska rasmiga ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here