Madaxweynaha dalka oo hogaamiyaasha ismamaulada u sheegay in aysan dowlada heynin wax lacag ah

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa meesha ka saaray baaqii ka soo yeeray gudoomiyaasha iyo senetarada ismamaulada dalka taasi oo ay ku doonayeen in ismamulada loo qoondeeyo lacag dheeri ah.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa hogaamiyaasha maamul goboleedyada ka codsaday inay ka faa’idaystaan lacagaha ay heystaan oo ayna xakameeyaan musuqmaasuqa.
Hadalkan ayuu Mr Kenyaatta ka jeediyay xilii uu ku sugnaa Dugsiga Sare ee Kirwara Boys ee ku yaala Gatanga isagoona halkaasi uga qeyb galaaye aas loo sameynaye hooyada siyaasiga Peter Kenneth ee Rahab Wambui.
Hogaamiyaha dalka Uhuru kenyaatta ayaa sheegay in aysan dowladda heynin lacag dheeri ah oo ay ku bixiyaan ismamaulada dalka.
Waxaa uuna sheegay in barasaabyada iyo senetarada ay mushaarkooda dhimaan si aysan ugu baahan lacag dheeri ah waxna loogu qabto ismaamulada ka jira dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here