Madaxweynaha dalka oo hoggaaminaya koox la tacaalaysa duumada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa loo xilsaaray inuu hoggaamiyo koox matalaysa qaaradda Afrika oo qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah cudurka duumada ama malaariyada.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Waxaa uu qoraalka tilmaamaya in madaxweyne Kenyatta uu la wareegay guddoonka ururka hoggaamiyaasha Afrika ee qaabilsan wax ka qabashada malaariyada ee (ALMA).
Ururkan waxaa xubno ka ah madaxda dowladaha Afrika ee u ololeeya dadaalada ka dhanka ah , abaabulka kheyraadka loo adeegsado iyo isla xisaabtanka ku aaddan la tacaalidda xanuunkan.
Mr. Kenyatta ayaa xilkan kala wareegay boqorka Mswati ee boqortooyada Eswatini wuxuuna guddoomiyaha ALMA ahaan doonaa muddo laba sano ah.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii Malaariyada looga cirib tiri lahaa qaaradda Afrika.
Sido kale waxaa uu xusay in la doonayo in loo dabaaldego guulaha sannadihii ugu dambeeyay laga gaaray la dagaalanka cudurka duumada.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaan ka qeybgelin shir madaxeedka midowga Afrika ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maadaama uu ku mashquulsan yahay baroordiiqa iyo aaska qaran ee loo sameynayo madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Arap Moi oo dhawaan geeriyooday.
Hoggaamiyaha dalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xoojinta barnaamijyada caafimaadka ay kaalin weyn ka qaadanayso horumarka qaaradda Afrika iyo hiigsiga qorshaha 2063-da.
Qaaradda Afrika ayaa waxaa laga soo tabiyaa boqolkiiba 93 ee kiisaska caalamka ee la xiriira cudurka duumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here