Madaxweynaha dalka oo hoggaamiyaasha Sierra Leone iyo Mauritius kala hadlay dalxiiska

58

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House , magaaladatani Nairobi kulamo gaargaar ah kula qaatay dhigiisa Sierra Leone Julius Maada Bio iyo Mauritius Paramasivum Pillay Vyapoory.
Mas’uuliyiinta dalalkan ayaa wada hadaladooda diiradda ku saaray arrimaha dalxiiska iyo ganacsiga.
Waxay ku heshiiyeen inay sare u sii qaadaan xariirka Kenya kala dhexeya wadamadan ee dhinaca labadan arrimood.
Mr. Kenyatta ayaa kulamada uga faaiidaystay inuu madaxda dalalka Afrika ugu baaqo inay Kenya ka dhigtaan meel iyaga iyo shacabkooda ay ku soo hirtaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in maamulka uu hoggaamiyo uu wax weyn ka qabtay horumarka dhanka dalxiiska iyo soo jiidashada maalgashatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here