Madaxweynaha dalka oo hor kacayo shacabka Kenyaanka daawadasha meydka Moi

Maydka Madaxweynihii labaad ee dalka Mzee Daniel Terootich Arap Moi ayaa saaka laga qaaday goobta meydadka la dhiga ee Lee Funeral Home waxaana la geeyay xarunta dhismaha barlamaanka ee dalka ee magaaladatan Nairobi.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shacabka Kenya hor kici doona daawadasha meydka madaxweynihi hore ee dalka.
Madaxa shaqaalaha dowladda Joseph Kinyua ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu noqon doono qofka ugu horreeyay ee arka meydka madaxweynihi hore abaaro saacadu marka ay tahay 10.15.
Meydka ayaa kujiray sanduq ku dubaan calanka qaraka Kenya.
Waxaa aad loo adkeeyay amniga dhisma baarlamaanka, halkaas oo waddooyinku xiran yihiin, iyada oo dadweynaha loo oggol yahay kaliya in ay lugeeyaan oo safaf ka samaystaan binaanka dhismaha barlamaanka si u arkaan meydka.
Xoghayaha Wasaaradda isku duwida howlaha qaran Dr Karanja Kibicho ayaa sheegay in qofna loo diidi doonin fursad uu ku arko Meydka Moi, wuxuuna ballan qaaday in amniga aad loo adkeyn doono malmaaha lagu baroor diiqayo madaxweynihi hore ee dalka.
Waxaa sidoo kale xiran waddonyinka soo galo xarunta barlamaanka ee dalka iyo wadada Kenyatta Avenue.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here