Madaxweynaha dalka oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirrada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn uu maanta ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa uu xilka ka qaaday wasiirkii beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri iyo dhiggiisa arrimaha bariga Afrika Aadan Maxamad.
Peter Munya oo ahaa wasiirkii ganacsiga ayaa la wareegaya xilkii Mwangi Kiunjuri.
Ukur Yattani oo si ku meel gaar ah u sii hayay xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda kaddib markii Henry Rotich musuqmaasuq lala xiriiriyay ayaa hadda jagadaas si buuxda ula wareegi doono.
Wasiirradii gaashaandhigga ama difaaca Rachel Omamo ayaa loo wareejiyay dhanka arrimaha dibadda waxaana xilkeeda la wareegaysa Dr. Monica Juma
Sicily Kariuki oo ahayd wasiiradda caafimaadka ayaa loo wareejiyay dhanka biyaha iyo waraabka .
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka u magacaabay Mutahi Kagwe oo horay u soo noqday senetarka ismaamulka Nyeri.
Betty Maina waxaa loo magacaabay wasiirradda wasaaradda ganacsiga .
Xoghayaha wasaaradda ganacsiga ayaa laga dhigay John Weru ,
Dr Jwan Ouma ayaa noqonaya xoghayaha waaxda farsamada gacanta.
Mary Kimunye waxay ay noqon doontaa xoghayaha wasaaradda adeegga dadweynaha.
Xoghayaha tacliinta saree e jaamacadaha iyo cilmi baarista ayaa laga dhigay Simon Nabukwesi . Solomon Kitungu (Xoghayaha wasaaradda gaadiidka) iyo Enoch Momanyi Onyango oo ah xoghayaha qorsheynta dhismooyinka.
Xoghayihii wasaaradda cayaaraha Kirimi Kaberia ayaa loo wareejiyay dhanka wasaaradda macdanta iyo batroolka waxaana uu madaxweynaha xoghayaha cusub ee wasaaradda cayaaraha uu u magacaabay Joe Okudo oo laga soo wareejiyay dalxiiska.
Wasiirr adda cayaaraha Amina Maxamad ayaa xilkeeda sii hayn doonto maadaama aan wareejin iyo xilka qaadis lagu sameyn.
Wasiirkii wasaaradda biyaha iyo waraabka Simon Chelugui ayaa laga dhigay wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada.
Xoghayaha wasaaradda deegaanka iyo keymaha waxaa laga dhigay Dr. Chris Kiptoo , xoghayaha wasaaradda arrimaha bariga Afrika waa Dr. Kevit Desai , Dr. Margaret Mwaima ( xoghayaha horumarinta gobollada), xoghayaha warfaafinta iyo isgaarsiinta waxaa laga dhigay Esther Koimett ,Peter Kaberia ( macdanta ) Safina Kwekwe (dalxisika),Prof. Coletta Suda (Jinsiyadda).
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sido kale isku shaandheyn ku sameeyay xoghayayaasha ugu sarreeya ee dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradaha
1. Xuseen Dado- arrimaha gudaha
2. Patrick Ole Ntutu – shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada
3. Andrew Tuimur – Biyaha, nadaafadda iyo waraabka
4. Abdul Bahari – dowlad wadaajinta iyo ismaamullada oomanaha.
5. Lawrence Karanja –warshadeynta , ganacsiga iyo horumarinta shirkadaha
6. Peter Odoyo –Difaaca ama gaashaan dhigga.
7. Maureen Magoma – Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, wax soo saarka iyo arrimaha dhalinyarada.
8.Winnie Guchu – Xafiiska sharciga ee dowladda.
9. Wavinya Ndeti – Gaadiidka.
9. Zacharia Kinuthia Mugure – Waxbarashada
10. Mumina Bonaya – Waxbarashada
11. Linah Chebii Kilimo – beeraha iyo xoolaha
12. Ann Mukami Nyaga –beeraha
13. Mercy Mwangangi – Caafimaadka
15. Nadia Ahmed Abdalla – ICT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here