Madaxweynaha dalka oo ka hadlay daahfurka barnaamijka caafimaad ee UHC

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa si rasmi ah loo daahfuri doono barnaamijka ku saabsan helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran ee loo yaqaano UHC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in nidaamkan lagu tijaabiyay 4 ka mid ah ismaamullada wadanka sidaas awgeedna laga hirgelin doono 43-da dowlad deegaan ee haray.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in tijaabada la sameeyay lagu guulaystay maadaama ay muujinayso in helidda adeegyada aasaasiga ee dhanka caafimaadka ay korortay boqolkiiba 39.
Dowlad deegaannada wasaaradda caafimaadka ee dalka ay ku billowday barnaamijka UHC ayaa kala ah Nyeri, Kisumu, Isiolo iyo Machakos.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xilli uu ku sugnaa deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu halkaasi oo uu xariga uga jaray qeyb ka mid ah xarun caafimaad oo in la dhiso dowladda Japan ay ku maalgelisay 8 milyan.
Barnaamijka ku aaddan helidda adeegyo caafimaad oo taya leh ayaa ka mid ah qorshayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee sida sare u qaadidda wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cuno yarida.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dhanka kale deeq bixiyaasha caalamka ugu baaqay inay si gaar ah gacan uga geystaan arrimaha horumarka.
Wuxuu sido kale soo hadal qaaday lacagaha waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF oo uu sheegay in la doonayo in waqtiga ku habboon la bixiyo si aynan saameyn ugu imaan howlaha isbitaalada laga daaweeyo bulshada.
Safiirka dalka Japan ee Kenya Ambasadoor Ryoichi Horie ayaa dhankiisa xusay in caafimaadka uu yahay arrinta ugu wanaagsan ee dowladdiisa ay mudnaanta koowaad siinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here