Madaxweynaha dalka oo ka hadlay heshiis laga gaaray hoggaanka Suudaan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta  ayaa  soo dhaweeyay  heshiiska awood  qeybsiga ee ay  gaareen  mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee milatariga  Suudaan.

Waxaa uu  qaar  ka mid ah madaxda  qaaradda  kala qeyb galay  munaasabad   la saxiixayay  heshiis lagu soo dhisayo dowlad ku meel gaar ah.

Is-afgaradkan ayaa  la filayaa inuu meesha ka saaro  muranka   shacabka iyo militariga dalkaasi u dhexeyay  bilooyinkii la soo dhaafay tan iyo markii bishii afaraad hoggaanka laga  tuuray madaxweyne  Cumar Xassan Al-Bashiir.

Mr. Kenyatta ayaa  sheegay  in taliyaasha  milatariga iyo mucaaradka ay  danaha  dalkaasi ka hor mariyeen kuwa iyaga u gaarka ah sidaasi awgeedna uu boogaadinayo.

Heshiiska la   wada saxiixday ayaa  lagu wadaa inuu horseedo in Suudaan  ay doorasho ka dhacdo 39 bilood kaddib.

20-ka bishan  ayuu qorshuhu yahay  in ra’iisul wasaare la magacaabo  halka 28-ka  isla bishan la soo bandhigi doono  golaha wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here