Madaxweynaha dalka oo ka hadlay tirakoobka qaran

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan tirakoobka qaran ayaa xusay in barnaamijkan ay dowladdu wado uu muhiimad gaar ah u leeyahay qorsheynta mashaariicda horumarineed.
Mr. Kenyatta oo xalay fiidkii isaga iyo xubnaha kale ee qoyskiisa lagu xisaabiyay magaaladatani Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in maamulka talada haya ee Jubilee uu sameynayo wax waliba oo suurtagal ah si tirakoobka qaran loogu guulaysto.
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada saxda ah ee Kenyaanka oo la diiwaangeliyo ay kaalin weyn ka qaadanayso maareynta canshuurta shacabka laga arruuriyo iyo qeybinta dhaqaalaha dalka ee deegaanada kala duwan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay in ka qeyb qaadashada tirakoobka qaran aynan ahayn arrin adag maadaama sida uu hadalka u dhigay dhammaan su’aalaha qofka la weydiinayo ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah.
Ammaanka guud ahaan dalka ayuu sheegay in si weyn loo adkeeyay maadaama muddo 7 maalmood ah uu soconayo barnaamij qaran oo tobankii sano hal mar ah la qabto.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ahna sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda Mr. Ukur Yattani ayaa dhankiisa sheegay in tirakoobka uu si habsami leh xalay uga bilowday guud ahaan dalka.
Waxaa uu xusay in ilaa iyo hadda horumar lagu tallaabasanayo oo aynan jirin caqabado waweyn oo la soo tabiyay.
Qaar ka mid ah shacabka xaafadda islii ayaa xalay la soo tabiyay inay haysatay caqabad dhanka luqadda ah in kastoo ay garab helayeen.
Su’aalaha dadka la weydiinaya waxaa ka mid ah da’da, jinsiyadda , inaad reer leedahay iyo in kale, halka aad ku dhalatay, dhimasho haddii ay jirto , heerka waxbarasho , helidda iyo adeegiga qalabka iyo adeegyada teknolojiyadda iyo arrimo kale .
Tirakoobkan qaran oo bilowday xalay fiidkii ayaa soconaya ilaa dhammaadka bishan sideedaad waxaana isa soo taraya baaqyada ay mas’uuliyiinta jeedinayaan ee ku aaddan in si weyn looga qeyb qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here