Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galaya caleema saarka boqorka Japan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ay wehelinayso marwada koobaad ee wadanka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa ku sugan wadanka Japan.
Waxay maanta magaalada Tokyo kaga qeyb galayaan caleema saarka boqor lagu magacaabo Naruhito.
Safarka madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa yimid kaddib markii ay caasuumaad gaar ah ka heleen ra’iisul wasaaraha dalkaas Japan Shinzo Abe.
170 hoggaamiyaal ah ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Boqorka Naruhito ee maanta qabsoomaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here