Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Ruushka

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu magaalada Sochi ee dalka Ruushka shir kaga qeyb galaya.
Gelinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii halkaasi uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Kulanka ayaa looga hadlayaa xariirka ka dhexeya dalka Ruushka iyo wadamada qaaradda Afrika.
Sannadihii ugu dambeeyay waxaa sare u sii kacay xariirka ka dhexeya Kenya iyo Ruushka.
Wafdiga halkaasi ku sugan ee uu hor kacayo madaxweynaha dalka ayaa diiradda saari doono sidii labada dal ay isaga kaashan lahayeen arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo lagu saleynayo qorshayaasha ugu waweyn ee dowladda.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa shacabka u ballanqaaday inuu dalka u horseedayo horumarka dhanka caafimaadka, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr. Kenyatta iyo xaaskiisa Margaret Kenyatta ayaa u gudbay Ruushka kaddib safar ay ku tageen dalka Japan.
Madaxweynaha dalka ayaa la filayaa inuu kulan laba geesood ah la qaato dhiggiisa wadanka Ruushka Vladimir Putin .
Shirka ka dhacaya magaalada Sochi waxaa ka qeyb galaya in ka badan 40 hoggaamiyaal ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here