Madaxweynaha dalka oo ka qeybgalaya kulanka dalladda shaqaalaha Afrika

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka qeybgalaya shirka 42-aad ee midowga ururada shaqaalaha Afrirka((OATUU) .
Kulankan oo ay yeelanayaan xubnaha golaha guud ayaa maanta ka furmay magaaladatani Nairobi.
Xoghayaha dalladda ururada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa hoggaamiyaha dalka ku ammaanay sida ay uga go’antahay ka shaqeynta danaha howlwadeenada dowladda.
Waxaa uu Atwoli hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha ay ka rajeynayaan inuu sii wado tageerada uu u fidiyo ururada shaqaalaha iyo xubnaha ka tirsan.
Madaxweyne Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in horumarka la hiigsanaya ee la xariira wax soo saarka ay lagama maarmaan tahay inuu ku saleysnaado daneynta arrimaha shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here