Madaxweynaha dalka oo ka qeybgalaya xuska xornimada Jamaica

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku sugan dalka Jamaica halkaasi oo uu kaga qeyb galayo munaasabadda loogu dabaaldegayo sannadguuradii 57-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanideeda.
Mr. Kenyatta oo uu casuumay ra’iisul wasaare Andrew Holness ayaa doonaya in diyaaradaha ay si toos ah ugu kala gooshaan labada dal.
Labadan mas’uul ayaa sheegay in duulimaadyada ay fududeynayaan xariirka dhanka ganacsiga.
Waxay wada saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo ku aaddan sida Kenya iyo Jamaica ay isaga kaashan karaan arrimaha dalxiiska, cayaaraha , hidaha iyo dhaqanka.
Sido kale waxay isla soo hadal qaadeen wada shaqeyn siyaasadeed oo dhex marto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here