Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid amiirkii dalka Kuwait

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid amiirkii muddada dheer xukumayay dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Axmad Al Sabah.
Amiirkan ayaa geeriyooday isaga oo 91 sano jir ah.
Mr Kenyaatta ayaa tacsi u diray qoyska ,ehelada iyo dhamaan shacabka reer Kuwait oo uu ka baxay amiirkaas.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay Sheekh Sabah Al Axmad inuu saaxib dhab ah la ahaa dalkani Kenya.
Waxaa uuna sido kale sheegay inuu jeclaa ka shaqaynta nabadda. bariga dhexe.
Sheekh Sabah ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayay inuu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraatka.
Sheekh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaakiis, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Axmad Al Sabah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here