Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida maalqabeen Tanzaniyaan ah

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray dhigiisa Tanzania John Magufuli ,shacabka jamhuuriyadaas iyo qoyska uu ka baxay Cali Mufuruki oo dhawaan geeriyooday.
Ninkan ayaa ahaa maalqabeen , qoraa iyo sido kale deeqsi gacan ka gaystay mashaariic kala duwan.
Mr Mufuruki ayaa lagu xasuusta inuu billaabay ganacsiyo dhowr ah sida Infotech Investment Group, Vodacom Tanzania iyo Wananchi Group Holdings.
Waxaa uu sido kale ka mid ahaa aas-aasayaashii barnaamijka (ALI) ee sannadkii 2002-dii ee soo saaray hoggaamiyaal ka soo jeedo bariga, galbeedka iyo Koonfurta Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here