Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Robert Mugabe

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraalo ay soo dhigtay baraha rasmiga ee ay ku leedahay Facebook iyo Twitarka waxaa ay ku sheegtay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu ka tacsiyadeynayo geerida ku timid hoggaamiyihii hore ee wadanka Zimbabwe Mr. Robert Mugabe.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in isagoo naftiisa, dowladda iyo jamhuuriyadda Kenya wakiil ka ah uu tacsidaasi u dirayo dowladda , shacabka Zimbabwe iyo qoyskii uu ka baxay mas’uulkan hore.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inuu murugada la qeybsanayo dadka iyo dowladda Zimbabwe.
Waxaa uu Mr. Mugabe ku tilmaamay halyeey geesi ahaa oo u soo dagaalamay madax bannaanidii dalkaasi si weyna loo xasuusan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here