Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida safiirkii Kenya ee Suudaanta Koonfureed

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta safiirkii Kenya u fadhiyay dalka Koonfurta Suudaan Chris Karumba Mburu kaas oo xalay geeriyooday.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha wadanka uu safiirka ku tilmaamay mas’uul ay ka go’oneyd u adeegida shacabka iyo danaha dalka isla markaana isku soo dhaweeyay xiriirka Kenya iyo Koonfurta Suudaan.
Waxaa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo tabi doono shaqooyinkii uu danjiraha u hayay dalka.
Mr. Kenyatta ayaa qoyska uu ka baxay mas’uulkan ugu baaqay inay ogolaadaan geerida ku timid safiirka oo ayna dulqaad muujiyaan .
Mr. Mburu oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda qaran ee sirdoonka ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaala magaalada Juba ee dalkasi Koonfurta Suudaan.
Dhimashadiisa ayaa waxaa si rasmi ah u xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.
Ila iyo iminka lama oga waxaa sababay geerida ku timid safiirka Kenya halkaas ku matalayay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilkan u magacaabay bishii Luulyo ee sannadkii 2018-kii kaddib is baddelo uu ku sameeyay arrimaha diblomaasiyada.
Waxaa uu 11-kii bishan ka soo qeeyb galay xuskii qaran ee loo sameeyay madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi isagoo uu wehelinayo madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here