Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida aabaha wasiiradda dhulalka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta wasiiradda arrimaha dhulalka Farida Karoney oo uu dhawaan aabaheed Mzee Edward Kiprotich Karoney geeriyooday.
Mzee Karoney ayaa galinkii dambe ee shalay dhintay isagoo 74 sano jir ah.
Waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka weyn ee deegaanka Kapsabet ee ismaamulka Nandi kaddib shil uu ku galay wadada xiriirisa magaalooyinka Kapsabet iyo Eldoret .
Mr. Kenyatta ayaa odayga qoyskan ka baxay ku tilmaamay waxgarad aad loo qadarin jiray oo kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Mzee Karoney lagu xusuusan doono dhiirigelinta uu u sameyn jiray beeralayda da’yarta ee Nandi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here