Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida dhigiisi Burundi

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , asxaabta, ehelada iyo dhammaan shacabka dalka Burundi kaddib geeridii ku timid Pierre Nkurunziza oo wadankaas hoggaaminayay.
Mr. Kenyatta ayaa dhimashada Nkurunziza ku tilmaamay dharbaaxo xooggan oo soo gaartay Afrika.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in madaxweynaha geeriyooday uu kalain weyn ka qaatay isdhexgalka bariga Afrika sidaas awgeedna waxqabadkiisa si weyn loo tabi doono.
Waxaa uu sido kale ku sheegay mas’uul geesi ahaa oo aan marnaba ka gabban inuu u dagaalamo wax uu aaminsan yahay.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa diray tacsi la mid ah tani madaxweyne Kenyatta.
Madaxweynihii Burundi ayaa shalay geeridooday isagoo 55 sano jir ah kaddib markii uu wadnaha istaagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here