Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Ghana

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada, asxaabta , shacabka iyo dowladda Ghana kaddib geeridii ku timid hoggaamiyihii hore ee dalkaas Jerry Rawlings.
Mas’uulkan hore ayuu Mr. Kenyatta ku tilmaamay shakhsi ka shaqeyn jiray danaha dadweynaha qaaradda.
Jerry ayaa dhintay isagoo 73 sano jir ah waxaana lagu bogaadiyay kaalintii uu ka soo qaatay xasiloonida Ghana kaddib inqilaabyo dhacay lixdameeyadii iyo toddobaatameeyadii.
Madaxweynaha dalka ayaa dhigiisa Ghana la wadaagay fariin ah in Afrika uu ka baxay shakhsi halyeey ahaa oo jiilasha soo socdo ay ku xusuusan doonaan doorkii uu ku lahaa arrimaha nabadda.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in isagoo matalaya dowladda iyo shacabka Kenya uu murugada la qaybsanaya Ghana.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here