Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida hooyada Aadan Barre

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee state House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu tacsi u dirayo qoyaska , ehellada iyo asxaabta xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale oo ay shalay hooyadii geeriyootay.
Madaxweynaha ayaa Alle ha u naxariisteen Xaawo Koosaar Shuuriye ku tilmaamay hooyo aad u dadaal badneyd.
Waxaa uu xusay in si weyn loo tabi doono waanadii waaya aragnimada ku saleysnayd .
Waxaa tacsi tani la mid ah diray mas’uuliyiinta uu ka mid yahay madaxa mucaaradka Raila Odinga, madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , barasaabka Garissa , Cali Bunow Qorane, dhigiisa Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud , Wakiilka haweenka ee Garissa Canab Suuboow, dhigeeda Wajeer Fatuma Gedi, Xildhibaanka Fafi Cabdikariin Cismaan, Xildhibaanka Ceeldaas Aadan Keynaan weheliye iyo madax kale.
Maamulka iyo shaqaalaha idaacadda Star FM ayaa sido kale ka tacsiyeynaya geeridaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here