Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida hooyada dhakhtarkii aasaatay isbitaalka Karen

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta Dr. Dan Gikonyo oo ah aasaasaha isbitaalka Karen ee magaaladatani Nairobi.
Tani ayaa timid kaddib markii ay geeriyootay Mama Loise Wamaitha Kibuka oo ahayd hooyada Dr. Dan.
Maalinkii Axadda ayay ku dhimatay isbitaal ku yaalla Nairobi.
Haweenydan ayay da’deeda ahayd 98 sano wuxuuna madaxweynaha ku tilmaamay shakhsi door muhiim ah ku dhex lahayd bulshada.
Mrs. Wamaitha ayaa kontameeyadii kaalin weyn ka soo qaadatay hormarinta dumarka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here