Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida hooyada dibloomaasi sare

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo qoyska ay ka baxday Anne Osure Okota-Amolo.
Haweeneydan ayaa shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla ismaamulka Kisumu.
Waxay ahayd hooyada Ambasadoor Tom Amolo oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ee dhanka siyaasadda iyo dibloomaasiyadda.
Mas’uulkan ayaa sido kale ahaa ergeyga gaarka ee Kenya u qaabilsanaa ololihii ay u gashay inay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka noqoto xubin aan joogto ahayn.
Mr. Kenyatta ayaa Mama Anne Osure ku tilmaamay haweeney dadaal badneyd oo lagu xusuusan doono inay billowday mashaariic badan oo dhanka horumarinta haweenka ah.
Madaxweynaha ayaa qoyska ay ka baxday u ballanqaaday tageero buuxda xilligan ay murugaysan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here