Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Ken Walibora

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ki xigeenkiisa William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay qoraa caan ku ahaa luuqadda sawaaxiliga oo lagu magacaabi jiray Prof. Ken Walibora oo maanta geeridiisa la xaqiijiyay.
Meydka Walibora oo sido kale ahaa bare jaamacadeed iyo wariye ayaa lagu arkay isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Waxaa uu shil galay jimcihii la soo dhaafay kaddib markii uu baabuur jiiray xilli uu gudbayay wadada Landhies ee magaaladatani Nairobi.
Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa Ken Walibora ku tilmaamay qoraa buugaagtii uu ka tagay ay wax badan ka bedeleen nolosha jiilal badan.
Ninkan ayay da’diisu ahayd 56 sano waxay saraakiisha booliska hadda sheegayaan inay su’aalo weydiinayaan darawalkii kaxeynayay mataatuudii jiirtay sida laga soo xigtay taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Philip Ndolo .
Buugaagta uu qoray Prof. Ken Walibora waxaa ka mid ah Siku Njema iyo Kidagaa Kimemwozea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here