Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Papa Shirandula

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta Jilaagii caanka ahaa ee shalay subax ku geeriyooday isbitaalka Karen ee magaaladatani Nairobi Papa Shirandula.
Magaca rasmiga ee jilaagan oo loogu magacdaray barnaamij ilaa 2007-dii ka baxayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa ah Charles Bukeko.
Waxaa uu geeriyooday abaare 8-dii iyo barkii subaxnimo ee shalay sida laga soo xigtay xubnaha qoyskiisa.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in Papa Shirandula uu kaalin weyn ka soo qaatay waaxyaha madadaallada ee dalka.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xusay inaan la hilmaami doonin doorkii jilaagan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Samoei Ruto oo tacsi tani la mid ah diray ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Charles Bukeko oo uu ku tilmaamay shakhsi hibo gaar ah lahaa taasoo jiilal badan ay ka faaiidaysan doonaan.
Papa Shirandula ayaa sannadkii 2010-kii la guddoonsiiyay abaalmarinta jilaaga ugu fiican.
Waxaa uu ifka kaga tagay xaaskiisa iyo 3 carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here