Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaal ka tirsanaa booliska

Hoggaamiyaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta iyo sarkaalka geeriyooday

Hoggaamiyaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay Wachira Mathenge oo dhawaan geeriyooday.
Mr Mathenge ayaa ahaa sarkaal sare oo booliska dalka u qaabilsan dhanka qalabka kana howlgalayay xafiis goboleedka ismaamulka Embu.
Madaxweynaha ayaa Mr. Mathenge ku tilmaamay shakhsi si dacaad ah u gudan jiray waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa uu xusay inay muddo dheer aqoon isku lahayeen sido kalena si dhow ay u wada shaqeyeen xilli sarkaalkan uu ka tirsanaa qeybta ilaalada madaxweynaha.
Qoyska uu Mathenge ka tagay ayuu hoggaamiyaha dalka u sheegay inuu murugada la qeybsanaya dowladdana ay garab taagan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here