Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii dadkii ku dhintay shilkii ka dhacay Tanzania

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dowladda iyo shacabka wadanka dariska ah ee Tanzania uga tacsiyeeyay geerida ku timid dadkii ku dhintay shilkii halkaasi laga soo tabiyay ee ilaa iyo hadda galaaftay nolosha 64 qof.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo qoysaska ay eheladooda ku nafwayeen magaalada Morogoro kaddib markii ay qaraxday booyad shidaal.
Madaxweynaha ayaa fariintiisa ku xusay in dhacdadaasi aya ahayd mid nasiib darro ah.
Waxaa uu dhigiisa Tanzania ,John Pombe Magufuli u xaqiijiyay in dowladda iyo shacabka Kenya ay garab taaganyihiin oo ayna u duceynayaan.
Sido kale waxaa uu caafimad degdeg ah u rajeeyay ilaa 70 qof oo dheeraad ah oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Taliyaha booliska ee Morogoro, Wilbroad Mutafungwa ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee shilkaasi ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here