Madaxweynaha dalka oo khudbad qaran jeedin doono bisha dambe

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa 12-ka bisha Nofeembar ee sannadkan khudbad qaran ka hor jeedin doono baarlamaanka.
Karaaniga baarlamaanka dalka Mr. Michael Sialai ayaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare ay ka wada qayb galayaan hal kal-fadhi oo uu madaxweynaha kula hadli doono.
Mas’uulkan ayaa xusay in qorshuhu uu ahaa in madaxweyne Uhuru uu xilli hore la hadlo qaranka balse dib loo dhigay cudurka COVID19 awgii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here