Madaxweynaha dalka oo khudbad qaran jeediyay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta jeediyay khudbad ku saabsan la tacaalidda cudurka COVID19.
Mr. Kenyatta ayaa kenyaanka la hadlay isagoo ku sugan daarta Harambee House ee magaalada Nairobi.
Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa halkaas ku sugnaa.
Khudbadda madaxweynaha ayaa timid iyadoo in badan oo shacabka ka mid ah ay rajeynayaan inuu fududeeyo xayiraadaha lagu xakameynaya faafidda coronavirus.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay kaddib wada tashi dheeraad ah oo la sameeyay in la doorbiday caafimaadka marka loo barbardhigo badbaadinta dhaqaalaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqalaha dib loo soo noleyn karo balse aan la soo celin karin nolosha qof cudurka u dhintay.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in muddo hal bil ah ay socdeen wada tashiyo ku aaddan dib u furka dugsiyada iyo goobaha cibaadada.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in khuburada caafimaadka ay ku taliyeen inaan hadda lagu guulaysan boqolkiiba boqol la dagaalanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here