Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in bixinta adeegyada looga daydo ciidamada difaaca

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Kenyaanka ka shaqeeya waaxyaha kala duwan ku booriyay in ay u adeegidda shacabka kaga daydaan ciidamada difaaca wadanka ee KDF.
Waxaa uu xusay in adeegyada loo fidiyo dadweynaha la doonayo inay noqdaan kuwo wax tar leh oo lagu dhamaystiro xilliga habboon.
Mr. Kenyatta ayaa ciidamada difaaca ku ammaanay inay waajibaadkooda u gutaan si aqoon iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii dhammaan shacabka ay dalkooda ugu adeegi lahayeen una jeclaan lahayeen sida militariga , Kenya ay horumar wayn gaari lahayd.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in saraakiisha kala duwan ee dowladda looga baahan yahay inay casharro ka bartaan oo ayna u adeegidda shacabka kaga daydaan ciidamada difaaca.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu xarigga ka jaray barnaamij lagu soo bandhigayay 83 baabuur oo uu dayactiray maamulka qaabilsan bixinta adeegyada shacabka Nairobi ee (NMS).
Agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi oo horay uga tirsanaa militariga ayaa sheegay inay isticmaaleen 22 milyan oo shilin oo ayna dib u habeynta gawaarida ku dhamaystireen labo bilood gudahood.
Baabuurtan waxaa ka mid ah 21 loo adeegsado howlaha dhismaha , 6 ah nooca gurmadka degdegga ee loo yaqaano ambulaans, 24 ka shaqeynaya dab damiska iyo kuwo kale.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in labada bilood ee nagu soo aaddan la dayactiri doono 80 baabuur oo dheeraad ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale beeniyay in ciidamada difaaca oo qayb ka noqdo bixinta adeegyada bulshada ay tahay inuu qaab militari dadweynaha ugu adeegayo.
Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka Generaal Robert Kibochi iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi ayaa labaduba madaxweynaha u xaqiijiyay in ciidamada KDF ay ka go’an tahay u adeegidda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here