Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in diiradda la saaro arrimaha horumarka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley waxaa uu ku baaqay in xoogga la saaro oo la isku mashquuliyo arrimaha horumarka.
Shacabka ayuu ku boorriyay inay ka fogaadaan siyaasadda lagu kala qeybiyo.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ee Jubilee uu sannadkan diiradda saarayo fulinta mashaariicda horumarineed si wax looga beddelo nolosha dadweynaha.
Sido kale wuxuu xusay inuu sii wadayo dadaalada isaga iyo madaxa mucaaradka ee xisbiga ODM , Raila Odinga ay ku mideynayaan bulshooyinka kala duwan ee dalka.
Madaxweynaha oo ismaamulka Nakuru ku bixiyay 40,000 oo ah sabarloogooyinka dhulalka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe aynan fursad uga bannaaneyn sarkaal siyaasad ku mashquulsan.

Hoggaamiyaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii 2013-kii uu qabtay talada dalka la bixiyay 800,000 oo sabarloogooyin ah.
Wuxuu intaas ku daray in laga soo billaabo markii Kenya ay madax bannaanida qaadatay 1963-dii ilaa 2013-kii la bixiyay oo keliya 120,000 oo ah dokumeentiyada muujinaya mulkiilaha dhulka.
Kaddib isku shaandheyntii uu shalay madaxweynaha dalka ku sameeyay golihiisa wasiirrada , shacabka qaarkood ayaa sheegaya in isbeddelada aynan soo afjari Karin falalka musuqmaasuqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here