Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la taageero dugsiyadii lagu soo wax bartay

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka gaar ahaan kuwooda saameynta leh ugu baaqay inay mar walba diiradda saaraan sidii ay ku garab istaagi lahayeen xarumihii ay waxbarashadooda ka soo qaateen.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in taasi ay kaalin weyn ka qaadanayso wanaajinta tayada tacliinta iyo wax u qabashada bulshada.
Waxaa uu intaasi ku daray in ardayda hadda dugsiyada dhiganaya ay dhiirigelin u noqonayso marka ay arkaan qof mas’uul ah oo xaruntii uu ku wax bartay taageeraya.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xilli uu ku sugnaa dugsiga St Mary ee magaaladatani Nairobi oo uu horay wax uga bartay oo u dabbaaldegayay sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay.
Mashaariicda ay fulin karaan ururada ardaydii hore ee dugsiyada ayuu sheegay inay ka mid yihiin dhismooyinka iyo baahiyaha kale ee jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here