Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in laga fogaado kala qeybinta shacabka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay iska ilaaliyaan jeedinta hadallada bulshada kala qeybsanaan ka dhex abuuri karo.
Waxaa uu soo jeediyay in cid kasta ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ka shaqeynta ammaanka , ilaalinta bilicda deegaanka , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in hadal ay jeedisay ama fal ay sameysay aynan wax dhibaato ah ka dhalan.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda lagu kala qeybsamo xilliyada doorashada ay sabab u tahay waxyaabaha goobaha la isugu soo baxo ay ka sheegaan madaxda la soo doortay taasoo la doonayo in iyadoo loo marayo BBI in laga gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here