SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in loo hoggaansamo amarrada wasaaradda caafimaadka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka ay bixinayso wasaaradda caafimaadka.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeeddada laga leeyahay tallaabooyinka dowladda ay tahay in la xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19 ee loo yaqaano coronavirus si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.
Xilli uu saaka marti ku ahaa raadiyaha idaacadda Inooro ee ku hadasha luuqadda qowmiyadda Kikuyada ayuu hoggaamiyaha wadanka xusay in hadii xaaladda hadda taagan ay sii xumaato ay suurtagal tahay in la soo rogo xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha uu khudbadiisa ku sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay ku dhaqaaqdo tallaabo kasta oo uu dastuurka u oggol yahay.
Awaamiirta uu madaxweyne Uhuru Kenyatta doonayo in loo hoggaansamo waxaa ka mid ah in 21 maalmood aan la soo gelin Karin sido kalena laga bixi Karin ismaamullada Nairobi, Kwale, Kilifi iyo Mombasa.
Madaxweynaha oo sharaxaya sababta uu u mamnuucay in la soo galo ama laga baxo Nairobi ayaa sheegay in qaar ka mid ah Kenyaanka ay qorsheyeen inay tagaan deegaannada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan halkaas oo ay ku nool yihiin waayeelo badan oo u nugul in xanuunka loo gudbiyo sidaas awgeedna si loo badbaadiyo la xannibay isku socodka.
Amarka lagu mamnuucay in loo soo safro ama laga baxo caasimadda wadanka ee Nairobi ayaa xalay fiidkii dhaqan galay halka midka saameynaya qaar ka mid ah dowlad deegaannada gobolka xeebta uu berri oo Arbaco ah dhaqan galaya.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday si Kenya ay ugu guulaysato la tacaalidda cudurka inay khasab tahay in shacabka ay raacaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu dhawaaqay.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in hadii aan loo hoggaansamin waxyaabaha ay dowladdu fartay , waddada keliya ee furan ay tahay in gebi ahaanba la mamnuuco isku socodka dadweynaha.
Hogaamiyaha dalka ayaa muwaadiniinta Kenyaanka ah ka codsaday inaynan dowladooda ku khasbin inay qaadato go’aan noloshooda saameynaya.
Waxaa uu xusay in qof kasta uu qutul maalmeedkiisa soo saaran karo xilliyada uunan bandowga jirin.
Xilliga habeenkii laga billaabo 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo , waxaa gudaha dalka ka jiro bandow uu maalmo ka hor ku dhawaaqay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaasoo dhaqan galay 27-kii bishii hore.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in xaaladda adag ee hadda jirta aynan gaar u ahayn Kenya .
Waxaa uu tusaale u soo qaatay Maraykanka isagoo xusay in kastoo xukuumadda Washington uu dhaqaalaheeda wanaagsan yahay haddana inay la daala dhacaysa dhibaatada dunida ka taagan ee ka dhalatay caabuqa Coronavirus.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale sheegay inay dhab tahay in cudurka uu jiro waxaa shacabka la gudboonna ay tahay inay u dhaga nuglaadaan go’aannada dowladda.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa saraakiisha ammaanka ee habeenkii fulinaya bandowga u ballanqaaday in loo sameyn doono xarumo ay ku nastaan kaddib marka ay waajibaadkooda gutaan.
Waxaa uu ciidamada u sheegay in dowladda ay garab ku siinayso howsha ay hayaan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo 158 kiis oo la xiriira cudurka Covid-19 laga xaqiijiyay gudaha wadanka .
Waxaa ka bogsaday 4 qof halka 6 kalena ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here