Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo ciidda Christmas ugu dabaal degaya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa shacabka ku boorriyay inay ku dadaalaan ka shaqeynta nabadda.
Waxaa uu sido kale ku baaqay in xilligan oo qaar ka mid ah Kenyaanka ay dabaal degayaan in la caawiyo dadka danyarta ah.
Mr. Kenyatta iyo marwada koowaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Nyali ee Mombasa.
Kaniisadaha ayuu uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaataan xoojinta midnimada dadweynaha.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Kenyaanka oo si nabad iyo walaaltinimo ah ku wada noolaado ay qaranka horumar u horseedeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here