Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in sare loo qaado dacwad oogidda la xiriirta kiisaska culus

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ku booriyay inuu diiradda saaro sidii loogu guulaysan lahaa maxkamadeynta shakhsiyaadka lala xiriiriyay fadeexadaha waaweyn.
Mr. Kenyatta ayaa si gaar ah u tilmaamay falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dacwad oogidda dembiyadan oo lagu guulaysto ay Kenyaanka kalsooni ku abuuraysa.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in waaxyaha dambi baarista ay soo saaraan natiijo lagu qanci karo si loo muujiyo in sida haboon loo adeegsanaya dhaqaalaha ay dowladda dhexe u qoondeysay la dagaalanka musuqmaasuqa.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa baaqan u diray waaxda uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji kaddib markii lagu wareejiyay warbixino ku saabsan waxqabadka waaxda ODPP laga soo billaabo 2017 ilaa 2019-kii.
Madaxweynaha ayaa waaxda dacwad soo oogidda dalka ku ammaanay guulaha ay gaartay muddo labo sano ah.
Waxaa uu saraakiisha waaxdan kula taliyay in iskaashi dhow uu kala dhexeya maamullada kale si waxyaabo badan loogu guulaysto.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale sheegay in hadii uu jiro hannaan adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa ay xita maalgashatada ku dhiiranayaan in ay shaqo abuur u sameyaan dhallinyarada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here