Madaxweynaha dalka oo ku baaqay inaan lagu mashquulin siyaasadda 2022-ka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta u hanqal taagaya jagooyinka hoggaanka ee sannadka 2022-ka ugu baaqay inay isdejiyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hadda aan la joogin waqti la guda galo olole siyaasadeed.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in madaxda la soo doortay iyo kuwa xilalka kala duwan loo magacaabay laga doonayo inay xoogga saaraan u adeegidda shacabka.
Hoggaamiyaha dalka oo u muuqday inuu farriin dadban u diraya ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay inaysan khalad ahayn in qofku uu yeesho hiigsi siyaasadeed balse tallaabo kasta oo la qaadaya ay leedahay xilli ku habboon .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here