Madaxweynaha dalka oo ku baaqay midnimada hoggaamiyaasha Afrika

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika ugu baaqay inay midnimo muujiyaan oo ayna ka wada shaqeyaan sidii diiradda loo saari lahaa horumarinta dalalkooda iyo wanaajinta nolosha shacabka.
Baaqan ayuu jeediyay xilli shalay uu magaalada Harare ee dalka Zimbabwe uu uga qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay madaxweynihii hore ee wadankaasi Robert Gabriel Mugabe oo dhawaan geeriyooday.
Mr. Mugabe ayuu madaxweynaha ku tilmaamay halyeey kaalin weyn ka soo qaatay halgankii Zimbabwe.
Waxaa uu sido kale ku ammaanay inuu dadaal dheeraad ah ku bixiyay xoreynta iyo mideynta wadamo badan oo qaaradda hoos tago.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo Mugabe lagu xasuusanayo waxqabadkiisi, la doonayo in la sii xoojiyo midnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here