Madaxweynaha dalka oo ku dhawaaqay in seddax maalmood dalkani Kenya loo duceeyo

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa maanta ku dhawaaqay in 3-da maalmood ee ugu dambaysa Usbuucan dalka loo duceeyo.
Maalmaha Jimcada ,Sabtida ilaa axadda oo ku beegan 11-ka bishan October ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta Kenyaanka ku dhiiragaliyay inay tagaan goobaha cibaadada oo ayna dalka u duceeyaan.
Maalinta sabtida Mr kenyaatta waxaa uu xaflad qaran oo dalka loogu duceynayo ku qaban doona aqalka madxtoodayada ee dalka.
Waxaana si toos ah looga baahin doona xafladda ducadda ah warbaahinada dalka iyo baraha kale ee bulshada.
Tan ayaa imaanaysa iyada oo uu dalka la daaladhacayo xanuunka Corona Virus iyo siyaasada Kenya ka taagan oo kor u sii kacaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here