Madaxweynaha dalka oo ku sugan Kisumu

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta gaaray ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Waxaa uu halkaas u tagay inuu kormeer ku sameeyo mashaariic horumarineed sida garoonka cayaaraha ee Jommo Kenyatta iyo suuqa Uhuru.
Mr. Kenyatta oo uu wehelinaya madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa sido kale xariga ka jari doono dekadda Kisumu oo dhawaan dayactir lagu sameeyay oo ayna ku baxday 3 bilyan oo shilin.
Mr. Kenyatta oo daqiiqado ka hor la hadlay shacabka Kisumu ayaa sheegay inay diiradda saarayaan fulinta waxyaabihii ay dadweynaha u ballanqaadeen xilligii ololihii doorashada ee 2017-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here