Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay wakiilka siyaasadda dibadda ee midowga Yurub

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socdo midowga Yurub oo ay hoggaaminayso ku xigeenka madaxa guddiga midowga EU-da ahna wakiilka qaabilsan siyaasadda dibadda Federica Mogherini.
Wadahadalada u dhexeyay Mr. Kenyatta iyo Mrs. Mogherini ayaa diiradda lagu saaray xariirka ganacsi ee Kenya ay la wadaagto wadamada qaaradda Yurub.
Sido kale labadan mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday amniga gobolka iyo sida ay uga wada shaqeyn karaan in wadamada kale duwan ay dhammaantood ka jirto xasilooni buuxda.
Haweeneydan ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijisay in midowga Yurub ay ka go’antahay oo uuna sii wadayo inuu taageero howlgalada amni ee geeska, bariga iyo bartamaha Afrika.
Kulanka laba geesoodka ah ee ay madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenka madaxa guddiga midowga Afrika ku yeesheen madaxtooyada State House ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr Monica Juma , dhigeeda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo saraakiil sar sare oo dowladda la tirsan.
Mrs. Mogherini ayaa dhanka kale xariga ka jartay safaaradda cusub ee midowga Yurub uu ku yeelanayo magaaladatani Nairobi waxaana lagu tilmaamay midda labaad ee ugu weyn caalamka ee EU-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here