Madaxweynaha dalka oo la filayo inuu kulan la qaato dhigiisa Suudaanta Koonfureed

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta kulan la qaato dhigiisa wadanka Suudaanta Koonfureed ,Salva Kiir oo booqasho laba cisho ah dalka ku imaanaya.
Mr. Kiir ayaa lagu soo dhaweyn doonaa madaxtooyada State House halkaasi oo lagu ridi doono 21 rasaas sharafeed ah.
Saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegay in madaxweynaha Suudaanta Koonfureed uu casuumaad ka helay Mr. Kenyatta xilli uu bishii shanaad ee sannadkan ka qeyb galay munaasabadii 17-aad ee dalka loogu duceynayay.
Xoghayaha dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mr. Ababu Namwamba ayaa hoosta ka xarriiqay booqashada Mr. Kiir ay gogol xaar u tahay sii wanaajinta xariirka ka dhexeya labada dal ee mustaqbalka.
Labadan mas’uul ayaa lagu wadaa inay wada hadaladooda diiradda ku saaraan sare u qaadidda iskaashiga ka dhexeya wadamada ay hoggaamiyaan.
Dhanka kale war goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore.
Madaxtooyada dalka ee State House ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka tacsiyeynayo geerida mas’uulkaasi.
Mr. Collymore ayaa muddo sanado ah la xanuunsanaa cudurka Kansarka.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya uu ka baxay hoggaamiye magac ku lahaa waaxda isgaarsiinta sido kalena la tabi doono kaalintii uu ku biiriyay horumarka wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here