Madaxweynaha dalka oo la kulmay boqorka Jordan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay boqorka Jordan Cabdullah II.
Waxay labadan hoggamiyaal ka wada hadleen xariirka ganacsi ee ka dhexeyay dalalkooda iyo sida lagu soo xoojin karo.
Waxay labaduba doonayaan in Kenya iyo Jordan uu ka dhexeyo iskaashi gaar ah.
Wasaaradaha Kenya iyo Jordan ayaa lagu amray inay dardargeliyaan dhaqangelinta wada shaqeynta ganacsi ee ka dhexeysa.
Sido kale Mr. Kenyatta iyo boqorka Jordan ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha xagjirnimada.
Madaxweynaha ayaa boqor Cabdullahi u bandhigay inuu Kenya ku taageero ololaha ay ugu jirto inay xubin aan joogto ahayn uga mid noqoto golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here